Hormar iyo nabada umada aan katalino
Hormarka umada aan katalino
09/01/2026
Ururka Horumarinta Soomaalida oo kaashanaya mac'hadka casriyaynta beeraha (ATI) ayaa 1712 oo qoys oo ku kala dhaqan degmooyinka Dhekasuufti iyo Filtu u qaybiyay xoolo tiradoodu dhan tahay 6,724 neef oo adhi ah.
Mashruucan oo kor loogu qaadayo nolosha barakacayaasha shaqo-abuurna loogu samaynayo bulshada tabaalaysan si ay uga baxaan kutiirsanaanta deeqaha shisheeye waa mid ay iska kaashadeen ururka horumarinta soomaalida iyo mac'hadka casriyaynta beeraha, waxaan xoolahan bulshada la gudoonsiiyay ay yihiin wajigii 1aad ee mashruuca sida uu goobtii qaybinta adhigan ka sheegay Mawliid Cabdi Maxamed xidhiidhiyaha mashruucan HDP ee gobolka Liibaan.
Dhankoodana, qaar ka mid ah qoysaskii xoolahan la gaadhsiiyay ayaa uga mahadnaqay ururka horumarinta Soomaalida deeqdan xoolaha ah ee ay soo gaadhsiiyeen.
Hormarka ha waaro
08/01/2026
Filtu hooyo caruur haysata oo la caawiyay manta
Waxaana hor ka cayay Shukri Ahmed iyo cusman muxumed xusen
Iyo gudi kale oo isku dhaf ah
Walaalaha muxsaniinta ah ee soo caawiyay Hooyo Qeyra iyo carruurteeda, waxaan si buuxda u gaarsiinay amaanadii iyo deeqihii aad noo soo dhiibteen.
Runtii dhammaanteen aad ayaan idiinka mahadcelinaynaa. Farxad iyo mahadnaq weyn ayaa ka muuqda carruurta iyo Hooyo Qeyra intii soo caawisay.
Ilaahay ha idinka siiyo ajar iyo xasanaad
Maanta Hooyo Qeyro wxaan Gaarsiiney Rashiin Nooc yadiisa Kala duwan ah sida sawirkas idin muqda
Lacagta guud waxay ahayd 86000 kun
Waxan Rashiin iyo agabya kale duwan oo guriga ah ugu ibinay 24500
Waxan kuwarejinay lacag kaash ah oo dhan 61500
Dadkeena xaalkooda hoose waa dayro iyo duruufo adage qofkastaa cida ka hoosaysa iyo jaarkiisa ha ogaado.
18/02/2025
Hay'adda WFP ayaa Deegaanka Soomaalida ka wada mashaariico horumarineed oo caddadka miisaaniyadoodu dhantahay 45 Million oo Dollar.
Kulan lagu qiimaynayay mashiiriicda WFP ay ka wado deegaanka oo ay kasoo qayb'galeen masasuuliyiinta xafiisyada horumarinta, uuna hoggaaminayay Wisiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS, Mudane Huseen Xaashi Qaasim (Ph.D)ayaa ka qabsoomay Xafiiska Madaxwaynaha.
Kulankan ayaa lagu lafa-guray heerka ay marayaan fulinta mashaariicda hay'adda, sida ay u waafaqsanyihiin qorshayaasha horumarinta xukuumadda iyo sidii loo haggaajin lahaa daba'galka iyo isku-xidhka xafiisyada ay khuseeyaan.
Gabagabadii shirka waxaa la isla qaatay in kor loo qaado xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhaxeeya xafiisyada horumarinta iyo hay'adda ee dhinacyada qorsheynta, xaqiijinta tayadda mashaariicda iyo isdhaafsiga xogaha mashaariicda horumarineed.
Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP, oo shaqadeeda ugu weyn ee ay Deegaanka Somaalidda ka fuliso ahaan jirtay, qaybinta raashinka gargaarka ayaa billowday sanadadan danbe fulinta mashaariico horumarineed oo kala ah: beeraha, dhisidda kanaallada waraabka, maareeynta biyaha roobka iyo shaqo-abuurka.
Hay'adda ayaa gacanta ku haysa mashaariico horumarineed oo miisaaniyadoodu dhantahay 45 Million oo Dollar kuwaas oo laga fulinayo meelo kala duwan oo deegaanka ah.
Hormarka ha waaro
27/10/2024
Tababartayasha warega 3aad ee hogaaminta Dhexe ee Degmoyinka Gobolka Liiban ee tababarka ugu socday xarunta Gobolka Liiban ayan maanta booqasho kusoo maray Masharicaha Kala gadisan ee Ka socda xarunta Gobolka ee Filtu kuwaasi oo aay Ka mid yihiin kuwa aay Fulinyan Qurbajoog U dhalatay Gobolka
Nabada iyo wada nolashaha umada waa hormarkeena
Adiga dhankada ka qeybqaada hormarka
24/06/2024
Degmada Dollo Ado
Maanta oo tarikhda tahay 17/10/2016 Waxaa Xafiiska Ariimaha bulshada iyo Iskashatooyinka ay qeybiyeen gaariga dadka baahiyaha gaarka qabo taasi oo aheeyd mid aay baahi weyn uqabeen dadka bahiya gaarka qaba
Shaqa wanagsan. Ayaa hirqaaday
22/06/2024
31/12/2023
Waxaa maanta hoolka dagmada filtu kaqabsontay abaalmarinta shaqalaha hormudka ee dagmada filtu taasi oo lagu soo qiimeyay unug as-aasiga dagmada
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jijiga
143